Odoyaasha Buulo Burte oo ku eedeeyay Waare inuu colaad hurin ka dhax wado dagmada Buulo Burte

Odoyaasha oo shir ku qabtay maanta degmada ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka ay ku khasbayaan dadka deegaanka in la dhiso Gole Deegaan oo aan laga sameynin meel kale oo ka mid ah Hirshabelle.

Sidoo kale, odoyaasha ayaa sheegay inay aad ula yaabeen in dhismaha gole deegaan laga billaabo Buulo Burte, iyada oo degmada ay ku jirto go’doon, halka aan loo sameynin gole deegaan magaalooyinkii nabadda ahaa sida Jowhar, Balcad, Beledweyne iyo Jalalaqsi, taasina ay tahay wax aan la fahmi karin.

Ugu danbeyntii Odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda Hirshabelle in ay waqti galiyaan sidii gole deegaan looga sameyn lahaa magaalooyinka nabadda ah ee xorta ah, halkii ay khasbi lahaayeen dadweynah Buulo Burte oo ka sugayay madaxda Hirshabelle inay go’doonka ka qaadaan. Waxay sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda CRD inay qeyb ka noqon colaaddaas laga hurinayo magaalada Buulo Burte.