Qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ayaa maanta xiran,maxey tahay sababtu?+Sawirro

Suuqa bakaaraha

Qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ayaa maanta xiran,kadib markii Kooxda Daacish oo cadaadiskii ugu adkaa saartay ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Xog ee heshay HimiloTV ayaa u sheegayo milkiilayaasha xarumo ganacsi ku yaallo Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, ee Kooxda Daacish ku soo rogtay amarro lagu bixinayo canshuur, taas oo ka badan inta ay qaadaan Al-qaaciddada geeska Afrika

Sida aanu ka war heeyno Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada Gobolka Banaadir hore uga qaadi jiray labo canshuur, hayeeshee, tan iyo billowgii sanadka cusub, waxaa soo kordhay cadaadis xooggan oo ka imaanaya Kooxda Daacish.

Ganacsatadu ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagta la dul-dhigay, isla-markaana Daacish ku amartay in haddii aysan diyaar u ahayn lacag bixinta ay albaabada isugu dhiftaan goobaha ganacsi.

Ma aha markii koobaad ee amar ka yimaada Dhaacish lagu xiro qeybo ka mid Suuqa Bakaaraha, hayeeshee, amarrada hadda ka soo baxay kooxda ku xooggan buuraha gobolka Bari ee maamulka pundland .

Dowladda Federaalka, oo hore uga warqabtay in Al-Shabaab canshuuran guud ahaan ganacsatada Caasimadda, ayaan wali wax war ah ka soo saarin go’aannada Daacish .

Dowladdu waxa ay canshuur ku qaadataa kaliya ilaalinta amniga, maadama aysan adeegyada aasaasiga ah bixin, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada IWM, hayeeshee, amnina gacan kuma heyso, oo maanta amar bari ka yimid ayuu u xiran yahay suuqa Bakaaraha.

Sawirro