Qilaaf xogan oo ka dhashay ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhuusa-Mareeb la geeyey.

Dhuusa-Mareeb :Warka aanu ka heleyno caasimada maamul gaboleedka galmudug ayaa sheegayo in ciidan Itoobiyaan ah la geeyey kuwa oo aan ka mid eheen cidamada Amisom .

Durba waxaa arinkaa war saxafadeeda ka soo saray Madasha Xisbiyada waxeena dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay isticmaaleyso ciidamo Itoobiyaan ah oo aan aheyn kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Africa AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegayo in xarunta maamulka Galmudug ayaa haatan si weyn u maamulayaan ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugan xarumaha ugu muhiimsan magaalada, sida garoonka diyaaradah iyo xarumaha maamulka Galmudug .

Dhuusa-Mareeb oo dhawaan la filayo in lagu doortay Baarlamaanka iyo hoggaanka cusub ee yeelan donto Galmudug ayaa malmahaan xaaladeeda amni iyo mid siyaasadeedba aad u cakiran .

Arinkaa ayaa ku soo beegmaaya iyadoo guddiga khubarada kooxda dabagalka QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dowladda Soomaaliya ay musuq -maasuqday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ,Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay awood u adeegsato maamul goboleedyada iyadoo u istacmaash ciidamo Itoobiyaan ah.

Ugu danbeyntii Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa gelinkii danbe ee maanta Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan sida ay noqon karto doorasho loo adeegsnaayo Ciidamo Itoobiyaan ah .