Moqdisho:Sarkaal lugu magacaabo Yuusuf Cali Qasaaye (Yuuuf Cagey) ayaa dil lugu gaystay Magaalada Muqdisho .
Dilkan ayaa dhacay xili u sarkaalkan ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Warshada caanaha ee Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayan cidda dhabta ahi ee dilka gaysatay. Wararka qaar waxay sheegayan in uu gaystay Sarkaal kale ka ay murmeen, halka warar kalena ay sheegayan in dilka uu gaystay nin qurbajoogaha ka soo laabtay, horeyna uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidanka Booliska dowlada Somalia ayaa gaaray goobta, iyagoo halkaas ka wada baaritaano .
Kala soco waxii ku soo kurdha HimiloTv