Dagaalyahanada Taliban ayaa soo ifbaxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Pakistan.
Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midowga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.
inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada badan Afqanistan.
Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaabayeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacuudi Carabiya.
Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.
Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da’doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.
Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka hayeen Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan,Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.
waa kuma
Waa Kuma Hogaamiyaha Kooxda?

Hogaamiyaha Taalibaan
Hebatullah Akhundzada ayaa hoggaanka ururka Taalibaan ee Afgaanistaan la wareegay 26-kii May 2016, markaas oo golaha shuurada ee xaradaka ay xilkaasi u magacaabeen.
Waxaa uu badalay hogaamiyihii hore ee ururka ee Akhtar Maxamed Mansuur, kaas oo lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ay 22-kii May 2016-kii soo qaadday dayuurad Ameerikaan ah.
Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan.
Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.
Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.