
Hogaamiye Marka Larabo In La Qeexo Waa Ruux Bulshada Ka Mid Ah Lehna Himilo Fog Iyo Astaamo Hormuudnimo, Waa Ruux Had Iyo Jeer Ku Dhexjira Bulshada Uu Hogaanka U Yahay , Una Kuurgala Xalada Ay Ku Sugan Yihin , Waxaa Uu Leeyahay Aragti Fog Oo Cad , Had Iyo Jeerna waxuu muujiyaan Go’aan-qaadasho dhab ah ( Fadlan ogow tani maaha in lagu qaldo isla wayni iyo kibir) Waxuu La Jecelyahay Bulshada Horumar Iyo Horusocod Wanaagsan, Soomalidu Iyaga Oo Hogatusaaleynaaya , Waxana Ka Sheegaaya Astaamaha Hogaanka Wanaagsan Wax Ay Ku Maahmaahaan Saddex Baa Hogaanka Kaa Bi’isa :
- Go’aan Jilicsan
- Gacan Laaban
- Gar Leexsan .
Astaamaha Lugu Garto Hogaamiyaha Wanaagsan
- Daacadnimo Iyo Dulqaad
- Aqoon Iyo Akhlaaq Diimeed
- Himilo Sare Iyo Hal Abuur
- Dhowrsanaan Iyo Cadaalad
- Sama-Fale
- Go’aan Qaadasho
- Deeqsinimo
- Xilkasnimo Iyo Howl Karnimo
- Isdhul-Dhigid ( Tawaa’duc )
- Aqoon Iyo Waaya Aragnimo

BULSHA AAN HOGAAN LAHAYN
Hogaamiyaha Wanaagsan Waa Astaanta Horumarka Bulshada Waana Lafdhabarta Horumarka , Bulsha Aan Hogaan Lahayn Kama Baxdo Dibudhac Iyo Jaah Wareer , Abwaan Soomaliyeed Isagoo Hogatusaaleynaay Hogaanka Wanaagsan Waxa Uu Yiri :
HOGAAN UMMADU LEEDAHAY HADUU HOWLKAR NOQON WAAYO
HIMILIYO HADII UUSAN LAHEYN HAGE-QORSHOO FIICAN
BULSHADUU HORMUUDKA U HAYAA WAA HABOW ABIDE .
Sidoo kale Abwaan Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo) waxuu yiri :
Qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado:
Hadii ummad madaxdu (Hogaanka) ka xumaato iyo hadii qoys hooyadu ka xumaato midna halka uu doonaayo ma ma gaadho, sababtoo ah madaxda waa hogaanka bulshada ee shacbiga iska hortaaga dhibaatada una sahamiya wanaaga, hooyaduna waa udub dhexaadka nolosha qoyska sidaa darteed hadii ay xilkeeda la turunturooto, qoyskaasi ma gaadho qayrkii.