Wafdi oo horkacayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, oo ay wehliyaan xubno kale ayaa maanta gaaray kismaayo oo ah xarunta kumeelgaarka maamulka Jubaland.
Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo heer wasiiro ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaan wax xiriir ah la lahayn maamulka Jubaland, ayada oo madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Ugu danbeyntii Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.