War Deg Deg Ah : Taliye Kuxigeenka Nabad Sugida Galmudug Oo maanta Lagu Dilay Cabudwaaq.

himilotv warar

Maxuu salka ku hayaa dilkii Taliye Kuxigeenka Nabad Sugida Galmudug Oo maanta Lagu Dilay Cabudwaaq.

Wararka ka imanaya degmada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka Qeybta Galmudug Cabdiraxmaan Faarax Geelle oo loo yaqaaney Beyr.

Sida dadka dagaanka inoo xaqiijiyeen dilka sarkaalkan u ka dhacay bartamaha massgaallada waxaa dilka ka danbeeyay askari ka tirsan ciidamadda milatariga, iyadoo halkaas ee ku nafwayeen taliyaha iyo haweeney lugu sheegay inee eheed walashiisa marku u falkaan dhacayey gaari u watay taliyaha la socotay , gacan ku dhiiglaha ayaa goobta isaga baxsaday toogashada kadib.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dilka sarkaalkan NISA ka tiraanaa uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo askariga dilka geystay, iyadoo aan faah-faahin buuxa laga bixin waxa uu salka ku hayay murankooda

Ciidamadda Nabad Sugida Galmudug ayaa xaafadaha magaalada Cabudwaaq ka baadi goobaya askariga dilka geystay oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo mid kamid ah xaafadaha Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud.

sidoo kale Xaafadaha degmada caabudwaaq waxaa lagu arkayay kolonyo baabuur ah oo ciidamo beeleed ah kuwaas oo isku aruursanayo xaafadaas .

Himilo TV