War Deg Deg ah: Kenya oo ka baaqsatay inay ka qeyb gasho dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee Soomaalia

Dowladda Kenya ayaa qaadaysa tallaabo lama filaan ah, markii ay ka baaqsato inay ka qeyb gasho dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taasoo loo balansanaa inay Berri oo ku beegan 15 Maarso 2021 ka furanto maxkamadda Cadaaladda ee ICJ.

Sida laga soo xigtay ilo Warbaahineed oo Kenyaan ah dowladda Kenya ayaan ka qeyb galeyni doonin dhageysiga Dacwadda Somalia iyo Kenya, taasoo ay sabab uga dhigtay xaaladda Covid-19 oo dooneyso in markii afraad dib loo dhigo Kiiska iyo Qareen ka tirsan Maxkamadda ICJ oo Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa muddo saddex jeer ah hore dib ugu dhigtay codsiga Kenya, waxayna maxkamadda ICJ sidoo kale aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in dhageysiga dacwadda lagu daro in fogaan arag looga qeyb galo, balse diidmada Kenya ayaa u muuqata mid marmarsiiyo ah oo ay dooneyso inay uga baxdo dacwadda oo dhan.

Maxkamadda ICJ ayaa la filayaa inay sii wado dhageysiga Kiiska iyadoo kaliya lagu koobi doono Soomaaliya inay jeediso doodeeda, haddii aysan Kenya bedelin, dibna u ogolaan inay ka qeyb gasho dacwadda.

Ma aha arrin cusub in dacwad ka socota Maxkamadda ICJ uu ka baaqsado dal ka mida labada dal ee loo kala gar qaadayo, waxaana hore u dhacday kiisas sidan oo kale ah sida in Dalka Shiinaha ka baaqsaday dacwad kala dhaxeysay Philipine.

Go’aanka ugu dambeeya ee Maxamadda ICJ ayaa qaadan doono muddo 4 ilaa 6 sano ah marka ay dhammaato dacwadaha laba dhinac laga dhageysanayo, taasoo ay ugu wacan tahay in waqti badan u baahan tahay maxkamadda maadaama go’aankeedu yahay kama dambeys aan rafcaan lahayn.