War Deg Deg ah:Maxkamadda sare ee Dalka Mareykanka oo xukuntay arrin culeys weyn ku ah qaxootiga

Maamulka Madaxwyne Trump ayaa guul weyn ka soo hooyey sharci in mudo ah ay ka soo shaqeynayeen ka dib markii Maxkamadda sare ee dalka Mareykanaka ay 5-4 ugu codeyeen sharci xannibaya dadka qaxootiga in ee halaan sharciga Dagnaanshaha dalka Mareykanka ee loo yaqaan Green Cardka .

Sharcigan isla markiiba kadhaqan galaya wuxuuna saameyn weyn kuyeelanaya dadka qaxootinga ah ee saboolka ah.

Wuxuu awood usiinayaa heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha in ay udiidan qaxootiga in ay helaan Green Cardka.

Shiircigaan ayaa dhigaayo cidwalba oo caawinaad dowlada kahesha sida caafimaad, kaar Cafimaad ,cunto iyo barnaamijka guryaha ee loo yaqaan Section8-ka in a an loo ogolaan doonin Green Card ka sabatuna ee tahay in dowladda u arkeeyso qofka in usan la qabsan karin nolasha dalka Mareykanka iyo in culey ku hayo dowlada .

Sharcigan wuxuu saameyn ku yeelanayyaa dadka qaxootiga ah oo intooda badan sabool ah. Soomalida ayaa kamid ah dalka si weyn uu utaaban doono shercigan.