War Deg Deg:Madaafiic caawa lagu garaacay Dhuusomareeb

hobiyaal

Wararka eyno ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal caawa ku soo dhaceen magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo caawa ku hoyanayaan Madaxweyne xilkisa sii dhamaanayo Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada ayaa sheegay inay magaalada kusoo dhaceen illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Hoobiyeyaasha caawa ku soo dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli magaalada shir uga furmayo ku sugan Madaxda dowldda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleed oo berri furmaya.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada.