Moqdisho:Wararka igu damneyey ee wareerka lugu qaday hotel SYl ayaa sheegayo in kooxda Al-Shabaab ay sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka iyadoo wali la maqlaayo dhawaqa rasaasta iyo qaraxyo taa oo loo maleenayo Bambo gacmeedyo.
Waxa sidoo kale la sheegay inuu jiro khasaare xooggan, inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah.
Ragga ku labisan Tuutaha ciidanka booliska Soomaaliya aadna u hubeysan ayaa gudaha galay hotelka iyagoo aan wax gaari qarax ah usan dhicin taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee kooxda Al-shabaab wareeraan Hotel SYL iyago laba jeer oo horey u wareeray ka oo ay dhasheen qasaare naf iyo maalba.