Wasiir Khaliif oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq iyo boob kuraasta haweenka ee Beeshiisa.

khaliif

Qeybtii labaad ee Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa ka socota maanta magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Kursigii ugu horeeyay ee oo ah HOP032 waxaa mar labaad kusoo baxay Xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,kursiga u ku soo baxay ayaa waxaa markii horeba loo qoonteeyay haweenka beeshiisa lakiin musuq aad u bahahsan oo hareeyay goobta doorashada ee ka socotay iyo nadaam xumo ayaa waxaa halkaas lugu boobay kursigii kaliyah ee lahayeen haweenka beesha baadicadde iyadoo ee u tartamayeen gursigaas inka ka badan 14 haween ah kuwaa oo kala yimid moqdisho iyo dalka dabadiisa

Waxaa kursiga la boobay ku soo baxay Wasiir Khaliif Cabdi Cumar oo helay 81 cod, halka musharax asiga u keensatay magaciisana lugu sheegay  Axmed Cumar Gurey uu ka helay 10-cod, waxaana halaabay ilaa 7-cod.

Khaliif Cabdi Cumar oo dhowaan lagu eedeeyay musuqmaasuq, lagana joojiyey heshiis uu galay.

Wasiirka Ganacsiga ayaa heshiis la galay shirkadda Maru Port Service LTD, kaasoo ku saabsan Tayo-dhowrka badeecadaha yimaada dalka, waxaana heshiiska ka hor yimid Hanti dhowrka Guud, Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda Tayo dhowrka Qaranka, iyadoo la jooyiyey.

Wasiir Khalif ayaa ka mid ahaa afar wasiir oo Hanti-dhowrka guud kusoo eedeeyay, ugana digay inay xilliga kala guurka ah wadaan falal sharci darro ah oo ka baxsan awooda wasaaradahooda, lagana diyaariyey .