Wax ka ogow Mooshinka ka dhanka ah RW Xamse

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa mowjado siyaasadeed oo si xowli ah ku socda, waxaana Baarlamaanka uu geli doonaa jawi siyaasadeed oo aan degenayn.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay inoo xaqiijiyeen mudaneyaal ka tirsan BF.

War ku saabsan Mooshinkaan ee HimiloTv heshay ayaa sheegayo in mooshinkaan ey hor kacayaan xubno ka mid ah Shir-Gudoonka Golaha Shacabka iyo xildhibaano saameyn weyn ku leh Siyaasada dalka kuwaas oo dhaliilsan xukuumada Ra’iisulwasaare Hamze.

Waxaa xusid mudan RW Xamse iyo Xukuumadiisa  in ey shaqeynayaan wax ka yar sanad.

Mudanayaashan ayaa ku dhaliilay ra’iisul-wasaaraha inuusan waxba qabanin, xukuumaddiisana ee noqotay mid fadhiid ah .

Sidoo kale wararka waxey itaa ku daryaan  Xildhibaanada mooshinka wada ayaa intooda badan waxay ka soo jeedaan degaanada Puntland , iyadoo macluumaadka la helayo ay intaas ku darayaan in siyaasiyiinta gadaal ka riixeysa mooshinkan uu ku jiro Madaxweynaha Puntland Deni oo khilaaf siyaaasadeed uu kala dhexeeyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

Ololaha Mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, iyadoo Xildhibaanada wada ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda, iyagoo la xiriiraya xildhibaanada kale ee aan weli ku jirin si ay uga dhaadhiciyaan.

Ma ahan marki ugu horeysay ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ee Moshin ka kenaan Raisul wasaare  Lamana oga halka ay xaalada ku dambeeyn doonto.