Weriye C/casiis Maxamed Guuleed (Afrika) laga helay Cudurka Coronavirus

Wariye C/casiis Afrika oo ka shaqeeya warbaahin dowlada federalka somaliya ahna soo saaraha barnaamijka Gungaar aya sheegay inu ku dhacay cudurka Coronavirus .

Weriye C/casiis Afrika ayaa farriin uu diray ku yiri: “Inkastoo aanan wax Calaamad ah isku arkin, haddana waxaan ka mid noqday Caawa Dadka Soomaaliyeed ee laga helay COVID19”.

C/casiis ayaa sheegay in u booqday isbitaalka Difgeer, isagoo gudaha u galay isbitaalka si u booqdo weriye ka tirsanaa warbaahinta dowladda, tallaabadaasi ayaa si weyn loogu cambaareeyay, iyadoo ay raaligelin ka bixiyeen Madaxda Wasaaradda Caafimaadka.