Wariye Maxamed Xasan Cali oo ka mid ah Wariyaasha Telefishinka Qaranka ayaa aad ugu xanuunsanaayo isbitaalka Martiini.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafina Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada si weyn ugu dhaliilay Wasaaradda Caafimaadka, isagoo sheegay in weriyaha aanu helin qalabkii (oksijiinka)caafimaad ee ka caawin lahaa neefsashada oo dhibaato ku ah.
Lama oga cudurka soo ritay Weriyaha, iyadoo saaka uun la geeyay Isbitaalka markii lagu arkay calaamado ay ak mid tahay inay neefta dhib ku noqotay, waxaana baaritaanka kiisaska Coronavirus uu qaataa magaalada Muqdisho 24 saac ama in ka badan.
Bahada Saxaafadda iyo dad siyaasiyiin ah ayaa ka hadlay xaaladda weriyaha, iyadoo aan weli wax jawaab ah laga helin wasaaradda caafimaadka. Arintan ayaa haddii ay sax noqoto mar kale su’aal gelineysa xaaladda Isbitaal Martiini oo dhowaan la sheegay in loo dhameystiray adeegyadii caafimaad.