Xaruntii ugu weyneed ee aruurinta canshuuraha Gobalka Banaadir oo Al-Shabaab laga qabsaday

Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa maanta qabsaday degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, oo ah mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsan ee Al-Shabaab .

Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado qabilsan dacwadaha dhulka iyo aruurinta canshuuraha Gobalka Banaadir sidoo kale deegaankan uu u yahay mid aad ugu muhiimsan dhinaca dhaqaalaha ee ka sameeyaan aruurinta canshuuraha .

Deegaanka Tooratoorow ayaa dhowr jeer oo hore la wareegeen ciidanka dowladda, balse waa ay isaga soo baxayeen, balse labadii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa si buuxda u maamulayay deegaankan.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose .