Xasan Sheekh oo maanta dib ugu laabanaya Muqdisho, kadib safarkiisii maamul goboleedka Puntland

Xasan Sheekh Maxamuud oo safar qaatay muddo afar maalmood ah ku joogay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka,halkaasi oo uu kulamo dhowr ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Natiijada kulamada labada masuul ayaa illaa iyo hadda laga soo saarin war rasmi ah marka laga reebo qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Somalia, kaasi oo lagu sheegay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta wada-shaqeynta hay’addaha dowladda, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale kulamada ayaa looga hadlay dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo in Puntland loo fasaxo mashaariicda horumarinta, loona madaxbannaaneeyo.

Si kastaba, Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, ayaga oo maamulka Xasan dusha u saaray “wada-shaqeyn la’aan”.