Xasan Sheikh oo laga helay COVID-19.

Xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronavirus,xili dhawaan laga helay xubno kamid ah wafdigiisa.

Dhowr jeer oo Madaxweyne Xasan Sheekh baaritaan lagu sameeyay ka hor iyo kaddib markii uu la kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa ugu dambeyn laga helay Coronavirus.

Xaaladda caafimaad ee Xasan Sheikh ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray waxuuna yiri

Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19,

“Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.”

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ducada iyo garab istaaga ay u muujiyeen.