Xasan Shiikh hadii u saxiixo sharciga NISA maxaa dhaci kara ?

Hindise sharciyeedka cusub oo uu ansixiyay Barlamaanka Soomaaliya ayaa NISA waxaa uu siinayaa awooddo ballaaran oo ka mid yihiin

  • Ku Tarkrifal Awoodeed
  •  xabsi ku hayn (iyadoo aan maxkamad la soo tagin eedeysanaha)
  • Fargelin arimaha siyaasadda
  • Caburin,cagajugleyn, garaac iyo jirdil
  • Dilala Qorsheysan
  • in ee dadka ee ka aftuubtaan kudaha garoomada diyaaradaha sida (Garoonka Caalamiga Aadan Cadde )
  • Afgembi Madaxweyne
  • Caruur la xirro
  • Xabsiyo Qarsoon ( lugu ciqaabo Dad ee u arkaan iney ka argti duwanyiin)

Hay’dda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch oo ka hadashay

Hay’dda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Madaxweynaha soomaaliya inuu dib u dhigo saxiixa hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA kaasoo hay’addu sheegtay inuu ballaarin doona awoodaha NISA oo horey loogu bartay tacaddiyada.

“Waxaa ku jira qodobo aan si wanaagsan loo qeexin oo ka hadlaya dembiyada ay hay’addu la tacaali karto, gaar ahaan falalka ‘wax u dhimi kara amniga, sumcadda, madax bannaanida, danaha, iyo sharafta Qaranka Soomaaliya”Ayaa lagu yiri war bixinta

Sida ay sheegtay Hay’addu “Dembiyadaas ballaaran, oo qaarkood ay si aan la qeexin ugu jiraan Xeerka Ciqaabta dalka ee mar hore la sameeyay, ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo xuquuqda hadalka, tan urur sameysashada iyo isu soo baxyada nabadeed, taasoo xakameyn karta waxyaabaha ay oggolyihiin shuruucda caalamiga ah ee u furan siyaasiyiinta mucaaradka ah, dadka u doodda xuquuqda iyo warbaahinta.” Ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ku qornaa warbixinta.

Sidoo kale Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa marar badan diiwaangelisay tacadiyadda NISA, gaar ahaan xariga iyo xabsi ku haynta, waxaana kamid ah sida ay HRW sheegtay “in dadka ay muddo dheer xabsi ku hayso iyagoo aan maxkamad la geyn. Muddo xileedkii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2017),

Gunaanud

Hadii Awoodaha Hay’ada NISA aan la xadidin waxaa dhici doonto in arimaha siyaasada ee galangal weyn ku yeshaan ,in muwadiniinta soomaaliyeed loo istacmaali doono awood dowladeed ,in ey dhici doonin madaxweyne soomaaliyeed oo si xur ah u goamiyo arimaha masiiriga dalka ,Madaxtooyadda Soomaaliya (Vill Somalia ) waxey noqon dontaa xarunta hay’ada NISA iyo qodobada aanu kor ku soo xusnay .

Himilo TV Isha wararka !