Wararka naga soo garayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ee ku sabsanaa dhismaha Maamulka Galmudug.
Ahlusuna ayaa loo ogolaaday 20 kursi oo Xildhibaanada oo ah qoondada Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ka imaanaya 89 kursi ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana qodobkan ahaa kan ugu weynaa ee ay isku hayeen dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, maadaama Ahlusuna dalbaneysay in la siiyo 35 kursi oo qeyb ka ahaa heshiiskii hore.
Heshiiskan ayaa lagu xusay in ay gacan ka geysteen Odayaasha Dhaqanka, Ganacsato, Siyaasiyiin, shaqsiyaad magac leh oo kasoo jeeda degaanka iyo Beesha Caalamka oo ay wasaaradda sheegtay inay dadaal weyn ku bixisay.
